DAAWO SAWIRADA:- Orodyahanka dalka Ethiopia Lilesa oo sheegay in cabsi awgeed uusan ku laaban karin dalkiisa

0

Orodyahanka Maaratoonka Ethiopia Feyisa Lilesa ayaa muujiyay astaan muujinaysa xarig markii uu gaaray tartankii Olombikada ee Rio.

Feyisa Lilesa ayaa markii uu ka gudbayay goobta ugu dambeysa ee tartanka Maaratoonka waxa uu is dhaafiyay labadiisa gacmood taasoo uu ula jeeday xariga lagu hayo shacabka dalkiisa,waxayna calaamadaasi tahay mid ay isticmaalaan dadka Oromada kuwaasoo dhowaan banaanbaxyo ay ugaga soo horjeedeen dowlada Ethiopia dad badan loo xirey.

Orodyahankan Feyisa oo ka soo jeeda qowmiyada Oromada oo tiradooda lagu qiyaasay 35 million ayaa ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay in naftiisu ay halis ku jirto haddii uu dib ugu laabto dalka Ethiopia.

Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Ethiopia ay dileen boqolaal ruux dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay kadib markii ay sameeyeen banaanbaxyo loogaga soo horjeedo dowlada.

Isagoo sharaxayay astaanta uu muujiyay ayuu yiri Feyisa: ”Dowlada Ethiopia waxaa ay dileysaa shacabka Oromo iyadoo ka qaadanaysa dhulkooda iyo qeyraadkooda sidaa awgeed ayay shacabka Oromo ay banaanbaxyada u dhigayaan waana taageersanahay maadaama aan ahay Oromo,”

Orodyahankan ayaa intaas ku sii daray; ”Dowlada Ethiopia waxay dileysaa dadkeyga anigana waxaan taageersanahay shacabka Oromo oo meel walba banaanbaxyada ka dhigaya sababtoo ah waa qabiilkeyga. Qaraabadayda waa ay xiran yihiin haddii ay ka hadlaan xuquuqda dimuqraadiyada waa la dilaa,waxaan gacmahayga sare ugu qaaday taageerada aan u hayo banaanbaxyada shacabka Oromada.”

Feyisa oo ku guuleystay billada Lacagta ayaa sheegay in ay dhici karto in la dilo haddii uu dib ugu laabto dalka Ethiopia. “Haddii aysanba I dilin, waa ay i xiri doonaan,”ayuu yiri “Ma go’aansan inaan dib ugu laabto dalkeyga,waxaa laga yaabaa in aan wadan kale u guuro.”ayuu  sii raaciyay.

Hase yeeshee guddiga olombikada caalamiga IOC ayaa laga yaabaa in uu ciyaaraha Olombikada ugaga mamnuuco astaanta siyaasada ee uu muujiyay iyadoo qodobka 50aad uu qabo mamnuucayo astaamaha siyaasadeed.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

111 222 333 444 5555