Kenya oo Xaqiijineysa Amniga Gobolka Waqooyi Bari iyo qorshooyin la soo saaray

0

Kenya ayaa sugeysa xaruumaha isgaarsiinta si ay u kordhiyaan ka hortaga si aysan uburburin Al-shabaab oo labo isgaarsiin ku burburiyey Gobolka waqooyi bari ee Kenya Sida uu sheegey xiriiriyaha dhanka amaanka gobolka waqooyi bari ee dalkaasi Kenya maxamed saalax.

Waxaa uu sheegey maxamed saalax in labada xaruun oo ay safaricom ku leedahay lafey iyo fiino oo Mandheera katirsan in la adkeeyey amaanka xaruumaha isgaarsiinta si aan weerar bambaano loogu qaadin mar kale.

Sidoo kale waxa uu sheegey in ay kordhiyeen ciidamada amaanka ee ku sugan xaruumaha laga maamulo ilaalada xuduuda wixii ka dambeeyey markii ay Al-shabaab burburiyeen xaruumaha isgaarsiineed ee dalkaasi