DAAWO SAWIRADA:-Jaamacad Mareykanka uu leeyahay oo la weeraray iyo Khasaaro ka dhashay

0

Jaamacad uu leeyahay Mareykanka oo ku taala Magaalada Kabul ee Caasimadda Wadanka Afghanistan, ayaa waxaa fiidnimadii xalay weeraray xoogag hubeysan.

Weerarkan oo ku bilowday qarax xoogan, ayaa lagu qaaday Jaamacadda American University, iyadoo xoogag hubeysan oo rasaas ridaaya ay xoog ku galeen Dhismaha Jaamacadda.

Xilligii uu weerarku dhacaayay, ayaa waxaa Jaamacadaasi ku sugnaa arday iyo shaqaalo fara-badan. Xoogagii weerarka soo qaaday, ayaa la wareegay Xarunta Jaamacadda, iyagoona afduub ahaan ugu dhex qabsaday tiro dad ah.

Ciidamada Booliska Afghanistan, ayaa xiray wadooyinka soo gala Xarunta Jaamacadda, waxaana daqiiqado ka dib loo daabulay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Afghanistan.

Ciidamada, ayaa la arkaayay iyagoo soo samata bixinaaya arday iyo shaqaale ku go’doonsanaa Jaamacadaasi. Sidoo kale tiro dad ihi oo ku dhaawacmay weerarkaasi, ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka.

Saraakiisha, ayaa sheegay in ugu yaraan hal ruux oo rayid ah uu ku dhintay weerarkaasi, halka 25 kalana ay ku dhaawacantay.

Saraakiishu waxay kaloo sheegtay in la dilay ugu yaraan laba ka mid ah dableydii weerarka soo qaaday. Dhinaca kale waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in tiro ka mid ah Ciidamada Dowladda lagu dilay weerarkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa waxay cambaareysay weerarka lagu qaaday Jaamacadda American University, waxaa ay weerarku ku sheegtay mid ka dhan ah mustaqbalka dadka reer Afghanistan.

Jaamacadan, ayaa waxaa dhigta arday xilli kooban wax barta, marna shaqeeya. Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka lagu qaaday, balse dalkaasi waxaa weeraro ka wada Ururada Taliban iyo Daacish.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Kabul-1 Kabul2-1