Ciidanka Booliska Dalka Zimbabwe ayaa ka hortagay dibadbaxyo xoogan oo ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah dalka Zimbabwe , waxaana ciidanka Booliska ay u isticmaaleen sunta banaan baxayaasha lagu kala cayriyo.
Ciidanka Booliska iyo sidoo kale Banaan baxayaasha ayaa isku dhacay waxaana la sheegaya in uu halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan sida ay baahisay warbaahinta dalka Zimbabwe.
Banaanbaxa ayaa waxaa looga soo horjeeday Xisbiga Talada haya ee MDC , waxaana banaan baxayaasho ay dhaliileen xukuumada Talada Haysa.
Ciidanka Booliska ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in banaan baxyo laga dhigo Magaalada Harare ee caasimada dalka Zimbabwe.
Hoos ka Daawo Sawirada:-