Ururka Al Shabaab, ayaa waxay sheegteen masuuliyadda weerarkii hubeysnaa ee caawa lagu galay maqaaxida Banadir Beach, oo ku taala Xeebta Liido ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.
Idaacadda Andalus oo ku hadasha afka mintidiinta, ayaa baahisay in weerarku uu ku bilowday ismiidaamin uu fuliyay mid ka mid ah dagaal-yahanada Al Qaacidada Somaliya, ka dibna uu xigay weerar toos ah oo lagu galay maqaaxida Banadir Beach.
Barta Idaacadda Andalus, ayaa lagu qoray “Weerarka waxaa lagu daah furay camaliyad istish-haadi ah, kad ibna ciidamo hubeysan ayaa gudaha u galay goob ay ku caweeyeen askar iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka.”
“Rasaas culus ayaa la soo sheegayaa inay ka dhaceyso gudaha kalaabka, waxayna Mujaahidiinta la wareegeen qaybo ka tirsan Banadir Beach, iyagoo hadda wada toogashada dadka ku jira goobtaas.”
Afhayeenka Guud Ururka Al Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa ku cago jugleeyay inay sii wadi doonaan weerarada uu dhiigga ku daadanayo, ee ay ka wadaan Caasimadda Muqdisho.
Afhayeenka, ayaa markale ku goodiyay inay is hortaag ku samayn doonaan qorshaha lagu doonaayo in doorashooyinka guud billaha September iyo October kaga qabsooman dalka.