Midowga Afrika ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii Shabaabka ay xalay ku qaadeen Maqaaxida Banaadir Beach ee ku taalla Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku Geeriyoodeen 9 Qof halka 3 Qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay warbaahinta dowladdu sheegtay.
Xubnaha Midowga Afrika ayaa Muujiiyay sida ay Weerarkaasi uga xun yihiin, waxaana ay tacsi u direen Ehellada dadkii weerarkaas lagu laayay, iyagoo kuwii ay dhaawacyadu kasoo gaareena u rajeeyay caafimaad deg deg ah.
Ergayga Midowga Afrika ee Arimaha Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira ayaa sheegay in dhamaan Qaybaha kala duwan ee Argagaxisada ay halis ku yihiin Nabadda iyo Ammaanka Caalamka.
Danjire Francisco Madeira ayaa sidoo kale weerarkaas ku tilmaamay mid bahalnimo ah oo lagu laayay shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.
Ergayga Midowga Afrika ee Arimaha Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira ayaa shacabka Soomaailyeed ugu Baaqay in ay sii wadaan Dhismaha Dalkooda iyo Horumarinta Ganacsiga.
21-kii January ayay aheyd markii weerar sidan oo kale ah lagu qaaday Baarka Liido Sea Food oo ku yaalla Xeebta Liido, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 20 Qof.
Hoos ka Dhageyso Codka:-