TOP:- Japan oo 30 bilyan ugu deeqaysa dalalka Afrika

0

Ra’iisal-wasaaraha dalka Japan, Shinzo Abe, ayaa ballan qaaday in uu qaaradda Afrika gelin doono 30 bilyan oo doolar oo gargaar ah marka la gaaro 2018-ka.

Abe wuxuu sheegay in u jeedadu ay tahay in sare loo qaado xiriirka ganacsiga ee dalkiisu la leehay Afrika.

Hadalkan wuxuu ka jeediyay billawga kullan madaxeed laba maalmood socon doono oo looga hadlayo xiriirka Japan iyo Afrika oo ka socdo magaalada Nairobi.

Waa markii ugu horreysay oo kullankan lagu qabto meel ka baxsan Japan.

Shinzo Abe waxaa safarkan ku wehliyo illaa iyo 75 qof oo ka tirsan ganacsatada waaweyn ee dalkiisa.

Waxaa wakhtiyadii dhambe sii kordhayay ahmiyadda ay qaaraddu u leedahay Japan.

Waxaa jira dalal cusub oo tartankaas ku soo biiray sida Turkiga. Dalka Japan wuxuu hadda mudnaanta siinayaa tayada waxyaabaha uu u soo dhoofiya qaaradda.