Iyadoo Qaxootigii ugu badnaa ay kasoo laabanayaan xeryaha Qaxootiga dalka Kenya ee Dhadhaab , islamarkaana ay soo gaarayaan gobolka Jubbada Hoose ayaa arimahaasi waxaa ka hadlay maamulka Jubbaland.
Gudoomiyaha gobolka Jubbada Hoose Cabdirashiid Cali Gooni ayaa sheegay in Qaxootiga kasoo laabtay xeryaha dalka Kenya ay dhibaatooyin kala duwan ku heystaan gobolka Jubbada Hoose.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Qaxootiga ay ku keenikaraan xaalad amni daro deegaanada maamulka Jubbaland .
Waxa uu sheegay in Qaxootiga ay heystaan dhibaatooyin kala duwan , islamarkaana dhalinyaradu aysan haysan waxbarasho iyo shaqo midna.
Waxa uu ku baaqay gudoomiyaha gobolka Jubbada Hoose in laga taageero sidii dhalinyarada kasoo laabatay Dhadhaab ay ku heli lahaayeen waxbarasho iyo sidoo kale daryeel .
HALKAAN KA DHAGEYSO