FAAHFAAHIN:- Ciidamo Qarax lagula eegtay Duleedka Degmada Afgooye

0

Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa Xalay waxaa Qarax Bambaano lagula eegtay Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga Maamulka degmada Afgooye Mahdi Axmed Xasan oo Shabelle ay ka wareysatay Qaraxaasi ayaa sheegay in uu ahaa Bambaanada nuuca gacanta laga tuuro oo ku dhacay meel banaan sida uu hadalka u dhigay isagoona meesha ka saaray in ay jiraan wax khasaaro ah oo ka dhashay Qaraxaasi.

Balsé ilo Madax banaan ayaa Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay in Qaraxaasi uu ahaa mid aad u xoogan islamarkaana ay jiraan khasaarooyin ay kala kulmeen Ciidamada lala Bartilmaamsaday walow aysan cayimin xilliga oo Habeen ahayd aawgeed.

Ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda Qaraxaasi walow Al Shabaab looga bartay weerarada nuucaasi ah.

Waxaana xusid mudan in Al Shabaab muddooyinkii u dambeeyay ay soo xoojiyeen weerarada ay ka geystaan Gobolka Shabeelaha Hoose.