DAAWO: Shariif Xasan oo Qasri Madaxtooyo ah ka dhistay Baraawe

0

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xarun weyn oo Madaxtooyo ka dhistay magaalada Baraawe.

Shariifka oo maanta goor dhoweyd gaaray magaaladaasi ayaa dadaal ugu jira inuu salka dhigto gobolka Shabeelaha Hoose oo maamulkiisu ku guuleysan waayay inuu gacanta ku dhigo.

Guriga Madaxtooyada Shariif Xasan ee Baraawe (Villa Barawe) ayaa ah guri qurux badan oo xeebta ku qabsan, isla markaana loogu talogalay inuu fadhi u noqdo madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Magaalada Baraawe ayaa hore looga dhigay Caasimada maamulka Koonfur Galbeed, laakiin waxay maamulku u tegi waayeen arrimo dhinaca ammaanka ah. Shariif Xasan ayaa lagu wadaa inuu maanta xariga ka jaro xarunta Madaxtooyadiisa cusub.

Waxaa weli cabsi ka jirtaa in maamulka Koonfur Galbeed xarun ka dhigto magaalada Baraawe iyadoo kooxda Alshabaab ay dhinacyo badan uga dhow yihiin.

1 2