Ciidamada booliska Kenya qeybta argagixiso la dirirka loo yaqaan ayaa howlgal gaar ah oo ay ka sameeyeen magaalada Nairobi waxay ku sheegeen inay ku qabteen 6 ruux oo Sadex ka mid ah ay ciidamada ka tirsan yihiin kuwaasoo lagu eedeeyay inay walxaha qarxa ka iibiyeen dad la tuhunsan yahay inay Al-Shabab ka tirsan yihiin.
Wararka ay warbaahinta Kenya baahinayaan ayaa sheegayaan in dadka la qabtay oo laga xiray xaafad Nairobi ku taala in Sadex ka mid ah ay ka tirsan yihiin ciidamada militryga waxaana lagu eedeeyay in hub iyo walxo kale oo qarxa ay ka iibinayeen dad la shaqeeya Al-Shabab sidaas waxaa laga soo xigtay saraakiisha amaanka.
Goobta laga soo qabtay dadkaan la xir xiray waxaa sidoo kale laga helay waxyaabo la farsameeyay oo qarxa hub iyo saanad kale kuwaasoo dhamaan la qorshaynayay in la iibiyo.
Saraakiisha ciidanka Kenya waxay sheegeen in dadka la xiray loo gudbiyay qeybta dambi barista kadibna la maxkamadeynayo.
Dhawr mar ayaa gudaha Kenya laga qabtay dad la shaqeeya Xarakadda Al-Shabab oo dalka Kenya dhawr mar ka geystay weeraro dhiig ku daatay.