DHACDO Xanuun badan oo ka dhacday Gobolka Shabellaha dhexe

0

Dhacdo Xanuun leh ayaa laga soo sheegayaa Gobolka Shabellaha Dhexe taasi oo qofkii loo sheegaa uu ka murugooday xilli ay jiraan dad dhibaato ku qaba isticmaalka Waddooinka qaar.

Gaari Xamuul ah oo dad Safar ah la socdeen ayaa rag ku hubeysnaa Qoryaha AK47 waxay jid gooyo udhigteen meel ku dhaw deegaanka Ceel Bacad iyagoo dhaawacay Seddex qof oo Rakaabkii ahaa.

Baabuur TM ah ayaa la xabadeeyey oo qaarkood dadka la sheegay in mindhicirka banaanka kaga soo daateen rasaasta siday usaameysay Awgeed,waxaana burcadaasi ka qaateen wixi ay agab wateen.

Xoghayaha Maamulka Degmada Warsheekh Ee Dawlada Soomaaliya Maxamed Cali Yuusuf ayaa saxaafada usheegay in Maleeshiyo dharka Meliteriga soo xirtay ay dhacaasi geysteen iyo dadka la dhaawacay,dhowr jeerna Cabasho ay soo jeediyeen waxna laga qaban waayey.