Wararka inaga soo gaaraya Degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan Qarax khasaare geystay uu ku dhacay Degmadaasi.
Qaraxa oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aaso ayaa la sheegay in ay geysatay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana Qaraxa uu ka dhacay meel suuq ah oo dad badan ay ku sugnaayeen sida dad Goobjoogayaal ah ay Risaala u sheegeen.
Inta la xaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku dhimatay 2 Qof halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen, sida Wariyaha Risaala ee Magaalada Beled-xaawo uu soo sheegayo.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in Qaraxan ay waxyeelo ka soo gaartay ciidamo ka tirsan Dowladda oo xilliga uu Qaraxa dhacayay goobta ku sugnaa, inkastoo wararkaas aanan si rasmi ah loo hubin.