Ciidamada booliiska Magaalada Alexandaria, ayaa xiray Boqolaal ruux oo Tahriibayaal ah, kuwasoo isku diyaarinayay in ka baxaan magalaadaasi ayna badda galaan.
Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Alexandaria dadka la soo qabtay kudhawaad 40 ka mid ah ayaa waxa ay yihiin dad Soomaali ah, kuwaasi oo rabay inay Tahriibaan, halka kuwa kale la sheegay inay ka soo kala jeedaan dalalka , Ethiopia, Sudan Eretria iyo Syria.
Laamaha ammaanka magaalada Alexandaria ayaa heegan buuxa la galiyay waxaana la sheegaya in la amray magaaladaasi in aysan ka bixin karin dadka doonaya in ay tahriibaan,sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka ammaanka oo la hadlay coiropost.
Magaalooyinka waa weyn dalka masar ayaa waxaa ku dhumaalaysanya kumanaan qof oo muhaajiriin ah kuwasoo doonaya in ka baxaan halkaasi.
Tiro aan la cayimin Soomaali ah ayaa ku xiran xabsiga alqaanadi oo kuyaal magaalada Qaahira.
Hoos ka Dhageyso Codka:-