DHAGEYSO:- Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland “ Cidii ka hortimaada go’aanada aan soo saarno Waxaan u qaadaneynaa iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab, Waana la dagaaleynaa”..

0

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Puntland, C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey), ayaa maanta sheegay in cidii ka hortimaada amarkii lagu joojiyay gaadiidka kaga imanaaya Koonfurta Somaliya, ay u arki doonaan kuwo qayb ka ah Ururka Al Shabaab.

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland, ayaa marka hore sheegay in amarkan loo soo rogay xaqiijinta amniga deegaanada Puntland, si aanay Shabaabku kaga gaysan weeraro ka dhan ah dadka reer Puntland.

Waxaa uu sheegay inay maqlayeen hadalo ka dhan ah amarkaasi oo ka soo kala yeeraayay Maamulka Galmudug iyo ganacsatada reer Puntland, hase ahaatee waxaa uu meesha ka saaray in cid gaar ihi uu liddi ku yahay, marka laga soo taggo in Puntland ay ku xaqiijinayso nabadgelyadeeda, sida uu yiri.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inaanu feker wanaagsan ahayn in qof uu ka fekero shilin jeebkiisa soo geli lahaa, isla-markaana uu iska indho tiro awaamiirta lagu badbaadinayo dhiigga dadka.

Madaxweyne Ku Xigeenka, ayaa intaa ku daray in dadka diidan amarkan ay ku tirin doonaan kuwo qayb ka ah weerarada ay gaysanayaan Ururka Al Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-