Faah-faahin Dagaalkii Saaka ka qarxay Magaalada Baled-xaawo

0

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Magaalada Baled-xaawo Ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xaaladda Magaalada ay hadda degen tahay islamarkaana uu istaagay Dagaalkii u dhexeeyay Maleeshiyo Dadka Degaanka ah iyo Ciidan Taabacsan Wasiirka Amniga Maamul Goboleedka Jubbaland.

Dagaalka Saaka dhacay ayaa waxaa ku dhintay inta la og yahay illaa Afar Qof,iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 8 Ruux.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badan Dhinacyadii ku Dagaalamay Magaalada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Jubbaland ee Dagaalka la galay Maleeshiyaadka Dadka degaanka ah ay ka qabteen illaa 10 ka mid ah Maleeshiyadii la dagaalamay.

Dagaalka ka dhacay Baled-xaawo ayaa Salka ku haya Muran ku saabsan Maamul loo sameeyay Magaalada,iyadoo ay ka horyimaadeen Maamulka Cusub Beesha Maleeshiyadu ay ka soo jeedo.

Maamulka Jubbaland weli wax war ah kama soo saarin Dagaalka ka dhacay Magaalada ee Dhimashada iyo Dhaawaca Sababay.