Odayaasha,Culimada iyo Aqoonyahan ka soo kala jeeda Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa uu saaka shir uga furmay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug
Shirkan ayaa Odayaasha iyo Culimadu ku sheegeen ujeedadiisa in wax laga qabto amni darrada magaalada iyada oo la iskaashanayo,sidoo kalena xaaladda caadi lagu soo celiyo kadib markii ay maalmahan soo baxday xurguf u dhaxeysay labada Maamul.
Waxgaradkwan,waxyaabaha ay ka hadlayaan waxaa ka mid ah dhameynta wadashaqeynta la’aanta Dadka shacabka ah iyo Labada Maamul,in meesha laga saaro cabsida maalmahan ka jirtay Gaalkacyo ee ah dagaal dhex mara labada Maamul iyo dhul ku yaalla Xaafadda Garsoor oo ay dhawana isku rasaaseeyeen Malleeshiyo beeleed ka soo kala jeeda labada dhinac.
Shirkan ayaa saaka bilowday isagoo daba socda shirar hore oo lagu lafa garayey xaalada magaalada waxaana uu ka furmay xarun ay horay ugu shirijireen waxgaradka labada maamul oo u dhaxaysa Puntland iyo Galmudug.