Dagaal u dhaxeeya ciidanka maamulka Jubbaland iyo sidoo kale Maleeshiyaad u hubeysan ayaa saakay ka dhacay degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.
Dagaalkaan ayaa yimid, kadib markii ciidamada taabacsan Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland ay weerar ku qaadeen hooy ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka, taasi oo keentay in labada dhinac uu dagaal dhexmaro.
Dagaalkaan labada dhinac dhexmaray ayaa la sheegay inuu daba socdo israsaaseyn xalay ka dhacday degmada Baled Xaawo oo dhexmartay ciidamada Maleeshiyaadka iyo ciidanka ciidamo taabacsan Maamulka Jubbaland.
Taliyaha ciidanka degmada Beled Xaawo oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen Maleeshiyaad hubeysan oo amni daro ka waday degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.
Ilaa iyo hada waxaa ku dhintay dagaalka saakay ka dhacay degmada Beled Xaawo ku dhawaad 2 qof sida uu Risaala u sheegay Taliyaha ciidanka degmada Beled Xaawo Cismaan Cabdi Nuur.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay gacanta ku dhigeen 8 ka mid ah Maleeshiyaadkii ay la dagaalameen.
HALKAAN KA DHAGEYSO