Wasiirka Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Ceymooy oo Wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in meel wanaagsan u marayo dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Odayaasha dhaqanka ay isla afgarteen in dib loo bilaabo dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku xaliyaan Caqabadaha hortaagan dhismaha Maamulka.
Wasiir Ceymooy ayaa sidoo kale ka warbixiyay Kulamo uu la qaatay Odayaasha dhaqanka ee gobolka Sh/Dhexe.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la dadajinayo dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe ka hor inta aysan dalka ka dhicin doorasho.
Hoos ka Dhageyso Codka:-