Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga ee Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu samayn doono hanaan lagu dabo galo Muslimiinta ku nool Mareykanka iyo Dadka soo galootiga ah, isagoo taas ku macneeyay in muhiim ay tahay in xukuumadda laga caawiyo xakamaynta soo galootiga.
Wuxuu sheegay in aan loo dulqaadan doonin dadka soo galootiga ah in ay Mareykanka sii joogaan marka uu ka idlaado sharciga Dal ku galka ah.
Waxaa kale oo uu ku adkaystay sida uu u taageersan yahay in darbi laga dhiso xadka koonfureed ee ay Mexico la wadaagaan, isagoo sidoo kale sheegay in uu joojin doono lacagta samo falka ah ee la siiyo dadka Islaamka ah iyo soo galootiga.
Trump wuxuu sheegay in hadii aan la dhaqan gelin ilaalinta waqtiga uu dhacayo dal ku galka in taasi ay ka dhigan tahay xuduudaha dalka ay iska furan yihiin.
Todobaadkan horaantiisii ayuu bidhaamiyay in uu dabcin doono siyaasaddiisa soo dhanka socdaalka.
Donald Trump ayaa horay u tilmaamay in uu dalka ka eryi doono 11 Milyan ee sharci darada ku joogta Dalka oo ay ku jiraan Soomaalida ayuu hadda sheegay in taas badalkeeda uu dalka ka eryi doono dambiileyaasha oo kali ah.
HALKAAN KA DHAGEYSO