Muqdisho (AGGM): Mareykanka oo ku dhawaaqay inay weli raadinayaan Cumar Xamami oo u dhashay dalka Mareykanka kana mid ah Ururweynaha Al-Qaacida, haatanna ah hoggaamiyeyaasha sar-sare ee Al-shabaab, balse dhawaan sheegay in uu ka baxay ka mid ahaanshihii ururkaas iyo ururweynaha Al-Qaacida.
Sidoo kale Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abu-Mansuur Al-Amriiki ayaa sheegay inuu uga baxay Al-shabaab khilaafyo soo dhexgalay isaga iyo hoggaanka guud ee ururkaas oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada gacanta siinaya ee Amisom.
Saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka oo aan la magacaabin ayaa sheegay inay weli baadi goobayaan macluumaadka ku saabsan Cumar Xamaami, iyadoo Mareykanku uu horay lacag u dul-dhigay madaxa hoggaamiyahan.
Al-Amriiki ayaa wareysi uu dhawaan siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ku sheegay inuu ku sugan yahay deegaanno ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool halkaasoo uu ku dhuumaaleysanayo, balse ma sheegin deegaanka uu rasmi ahaan ku sugan yahay.
Dhanka kale horraantii sannadkan ayaa hoggaamiyahan wuxuu ka badbaaday isku day dil oo lagu khaarijin lahaa, isagoo barta uu ku leeyahay Twitter-ka soo dhigay sawirro muujinaya dhaawac qoorta kasii gaarey.
Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya, Inj. C/raxmaan Yariisow oo isaguna maanta la hadlay VOA-da ayaa sheegay in ajnabiga ka barbar-dagaalamaya Al-shabaab ay ku badbaadi karaan oo keliya inay isaga baxaan dalka.
Afhayeenka ayaa sheegay inaysan jirin tab kale oo ay ku badbaadin karaan, maadama uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaan Sheekh Mukhtaar Abu-Zubeyr.
Sida la wada ogsoon yahay Saraakiisha sar-sare ee Al-shabaab ayaa waxaa dhawaanahan u dhexeeyay khilaaf sababay inuu degmada Marko ka dhaco gacan-ka-hadal u dhexeeya, kaasoo lagu dilay laba sarkaal oo kooxdaas ka tirsanaa, iyadoo afhayeen u hadlay kooxda uu sheegay inay kasoo horjeesteen amarro la siiyay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com