Maalmahan ciidan ka Tirsan ku Puntland ayaa soo Gaaray qeebo kamid ah Suuqa Magaalada Gaalkacyo.
Ganacsatada suuqa ayaana siyaabo kala duwan uga Hadlay ciidankaasi soo Gaaray suuqa ee puntland ka amarqaata.
Ciidanka ayaa suuqa u soo gaaray in ay xaqiijiyaan xiritaanka suuqa Xadkiisa oo maalmahan xiran.
Majiro dhaq dhaqaaq Labada dhinac ee ka jira suuqa waxana xiran suuqa qeybta labada maamul ay wadaagaan Tan iyo markii uu Maamul Goboleedka puntland ku dhawaaqay in gawaari aysan u soo gudbi karin.
Dhanka kale Ciidan ka tirsan Galmudug ayaa Dhankooda la geeyay Xadka labada maamul kuwaasi oo ilaalinaya amaanka ganacsatada Galmudug kasoo jeeda.
Ugu danbeyn Xiritaanka labada Xad ayaa saameyn xoogan waxa uu ku yeeshay nolosha Dadka shacabka ee suuqa ka ganacsada iyo kuwa xamaaliga ee labada dhinac ka shaqeeya.