Waxgaradka iyo Siyasiiynta Beesha leelkase oo kulan dag dag isugu yimid degamada goldogob aya shegay in maamulka puntland ay horinayan xisada ka taagan magaalda gaalkacyo waxana ay shegeen in xxafada garosoor oo beesha leelkase ay dagto intooda badana puntland doonayso in ay burburiso isla markana beshooda si farsameysan puntland ay u gumadayso.
Waxgaradka oo la soo xiriiray xafiiska warqabadka hobyomedia.com ee gaalkacyo aya u shegay in galmudug ay ka wada hadleen beeshooda sidii arintan loo xalin laha odayasha galmudugna ay wax badan isla fahmeen balse puntalnd aysan dooneen in arinta xal laga gaaro waxana uu tusaale u soo qaatay in ciidamo ay keentay gaalkacyo puntland.
” ganacsiga beesha leelkase ee garsoor waa uu xiran yahay puntland ma doonayso in gaalkacyo ay nabad ka dhacdo colaadana majeerteen aya hurinaya hala ogaado hadaba anigu wax shaqo ah kuma lihin beesha leelkase hadan nahay sarakiisheenii gaalkacyo xabsiyada aya lagu ilaaway beesha leelkase aya la raba in la adeegsado si galmudug dagaal loola galo oo garsoor dhulka la dhigo ”
Madar shiiq cabdule oo kamid ah siyaasiyiintii shirka kaqeyb gashay kulankaasi oo Galinkii Danbe ee maanta lagu Qabtay Galdogob ayaa waxa uu lasoo xariiray Radio Hobyo Waxaana uu uga Waramay Qodobo dhowr ah oo ay kulankooda ka soo saareen.
HALKAAN KA DHAGEYSO