Magaalada Gaalkacyo aya waxa ka taagan xiisad colaadeed kadib markii caawa abaaro 9:0o habeenimo salaada cisha kadib ay ciidamo badan oo puntland ah la soo dhoobay halka ay iska galaan dhanka galmudug iyo puntland.
Ciidan Labada Dhinac Lagu Arkay Magaalada Gaalkayco ciidamao farabadan waxana markii puntland ay soo daysay ciidankeeda sidoo kale gudaha magalada soo galay gadiidka dagaalka oo ay wataan cutubyo ka tirsan ciidamada daraawishta ,malatariga , nabadsugida , iyo sidoo kale ciidanka biirjeexda kuwaasi oo markii ay magalada gudaha u soo galeen laga dareemay jawi kale magaalada.
Ciidankaasi ayaa Yimid kadib Markii Lagu Arkay Magaalada Dhoor Gawaari Ciidan iyadoo Dowlad Goboleedka Puntaland ay Sheegeen in ay Xireen Xadka Labada Dhinac ee Koonfurta Somalia iyo Puntland,
Gaalkacyo aya hada waxa ay u egtahay meel furin dagaal u noqon doonta maaamulada galmudug iyo puntland waxana arimahan iyada oo ay taagan yihiin magalada yimid general morgan oo fariisama ciidamada puntland tagay taasi oo kor u qaaday shakiga laga qabo in dagaal puntland ay gaalkacoy ka abaabulayso.
HALKAAN KA DHAGEYSO