DAAWO BARNAAMIJ XIISO BADAN:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo si Live ah loo weydiinayo Su'aalihii ugu adkaa inta uu Madaxweyne yahay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu xalay ka qeyb galay Barnaamijka Dood Wadaag ee Ka baxa Telefisihinka Universal.

Waxa la weydiiyey Su’aalo Shacabku aad udaneenayeen oo Xasan Sheekh Jawaab ka bixiyey inkastoo dadka qaarkood ay fursad uwaayeen Madaxweynuhu inay Su’aal weydiiyaan.

Xasan Sheekh ayaa waxyaabihii la hor dhigay waxa ka mid ahaa sababaha keena in la beegsado Hoteelada Muqdisho iyo Amni darada sida looga hortegi karo.

Isagoo ka jawaabayey ayuu Madaxweyne Xasan Sheegay inay arintaasi keliya looga bixi karo Shacabka oo ciidanka Amniga kala shaqeeya Sugida Nabad gelyada si buu yiri looga adkaado Al Shabaab.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa waxa uu ka jawaabay in Siyaasada ay doonayaan Xubno fiican in mar kale ka helaan Kuraasta Xisbigiisa iyo Saaxiibadiis isagoo beeniyey in wax lug ah Dawladiisu ku lahaan doonto doorshada dhaceysa.

Tirada Odayaasha Dhaqanka Ee soo xulaya Xildhibaanada Cusub Ee Baarlamaanka ayaa Madaxweynuhu uu sheegay in ay ku jahwareereen sixitaankooda iyo kuwii dhintay Booskooda dadka geli lahaa hase ahaatee waxa uu sheegay in 135 oday dhaqameed aan laga badin lagana yareyn doonin.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inaysan ku talo jirin waqti kororsi ay sameystaan marka xilka uu ka idlaado isagoo dhinaca kale sheegay in Wax fashil la yiraahdo Dawladiisu sameyn hase ahaatee ay Jiri karaan dadka xilalka haya inay fashilmeen Shacabkana ay usoo bandhigayaan in qof badel noqon kara la keeno kuwa fashilmay.