Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in Magaalada Beydhabo lagu soo bandhigay Sarkaalkii Kooxda Daacish ee Gobolka Baay iyo Saddex Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay Magaalada Beydhabo in ay ku soo bandhigeen Sarkaal ay sheegeen in Kooxda Daacish uu uqaabilsanaa Gobolka Baay iyo Saddex Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.
Taliyaha Nabad Sugidda ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay Raggan, waxaana la sheegay Howlgal gaar ah in lagu soo qabtay Raggan.