Xildhibaan C/laahi Goodax Bare ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay dooneyso maamul aan la isku raacsaneyn in ay ka hirgeliso Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Wuxuu sheegay in Dowladdu haatan ay dar dar gelineyso Howlaha maamul dhisida labadani Gobol, iyadoo aysan heshiis aheyn Waxgaradka degan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Xildhibaan C/laahi Goodax Bare ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in dib loo dhigo maamulkan dhisidiisa ilaa iyo Waxgaradka labada dhinac ay go’aan ka soo gaarayaan.
Dowladda Soomaaliya iyo urur Goboleedka IGAD ayaa sheegay in 3-da Bishan uu shir ka furmi doono Magaalada Jowhar, shirkaasi oo lagu dar dar gelinayo dhisida Maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
HALKAAN KA DHAGEYSO