TOP DHAGEYSO:- UNHCR oo qorshe u degtay Jubbaland iyo Kulamo xasaasi ah oo ka dhici doona Kismaayo

0

Maamulka Jubbaland ayaa waxa loo dirayaa sida la sheegay Mas’uuliyiin katirsan Qaramada Midoobeey kuwaasi oo kala hadli doona Arimo Xasaasi ah.

Saraakiil katirsan Hay’ada Qaxootiga Adduunka Ee UNHCR ayaa la filayaa inay dhawaan gaaraan Magaalada Kismaayo kadibna Kulan la qaataan Hogaanka Maamulka Jubbaland.

UNHCR ayaa Maamulkaasi waxay ku canaanan doontaa dib udejin loo sameeyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab Ee Dalka Kenya.

Waxa dhawaan Jubbaland ay diiday inay soo dhaweyso Kudhawaad seddex kun Qaxooti Soomaaliyeed ah waxaana hadal heyn xoogan kadib Qaramada Midoobeey ay Maamulka Axmed Madoobe kala hadli doontaa Arintaasi.

HALKAAN KA DHAGEYSO