TOP DHAGEYSO:- Maxaa looga hadlayaa Shirka Ahlu Sunna ku qabanayaan Magaalada Dhuusa-mareeb ?

0

Ururka Ahlu Sunna ayaa sheegay in ay shir ku qabanayaan Magaalada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud, shirkaas oo lagu soo xulayo xubnaha Baarlamaanka ee ka mid noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo ka soo galaya Baarlamaanka Gobolada Dhexe ee Dalka.

Madaxa Warfaafinta ururka Ahlu Sunna Muxudiin Xasan Jimcaale oo loo yaqaano (Jakuula) ayaa sheegay in Ugaasyada iyo Waxgaradka ku dhaqan Gobolada Dhexe ee Dalka ay ugu baaqayaan in ay ka soo qeyb galaan Madasha shirka ka dhacaya Magaalada Dhuusa-mareeb.

Muxudiin Xasan Jimcaale (Jakuula) oo ah Madaxa Warfaafinta ururka Ahlu Sunna ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in uu sugan yahay amaanka Goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka, isagoo dhanka kale ugu baaqay Ciidanka AMISOM ee ku sugan Gobolada Dhexe in ay ka qeyb qaataan sugidda amniga.

HALKAAN KA DHAGEYSO