Kooxda Arsenal oo Lacago badan ugu deeqday Soomaaliya

0

Hay’ada gar gaarka Arsenal ee loo yaqaano Arsenal Foundation ayaa ugu deeqay £ 1Million in loogu dhiso garoomo lagu ciyaaro kubada cagta caruur aad u da’yar oo ku nool wadamo ay kamid yihiin Soomaaliya iyo Urdun .

Lacagtaan ayaa kasoo xaroon doonta kulanka halyeeyada Arsenal iyo kuwa AC Milan ay ku ciyaari doonaan garoonka Emirates Stadium September 3.

Ciyaarta ayaa waxaa dhanka Arsenal kasoo muuqan doona Robert Pires, David Seaman iyo Freddie Ljungberg halka dhanka Milan uu hogaamin doono Paolo Maldini,

Ibrahim Ba iyo Cafu oo kamid ah Halyeeyada kubada cagta ayaa soo qaban qaabiyay Barnaamijkaan tabarucaada ee lagu qaban doono garoonka Emirates Stadium.

Waxaa lagu sheegay war kasoo baxay Arsenal Foundation  in lacagtaan wax loogu qaban doono caruur da’yar oo kujira xeryaha qaxootiga Soomaaliya iyo Urdun.

Kulankaan ayaa waxaa lagu wadaa in lagu iibiyo 60,000 oo tikidh, tasoo ka dhigan in qiimo lacageed ku dhaw £1Million si loogu fuliyo mashaariicdaan dhisamaha garoomada dalal Soomaaliya ay ku jirto.

gudiga Arsenal ayaa kala kaashan doona dhismaha garoomadaan caruurta Soomaaliyed loogu talo galay hay’adda badbaadad caruurta ee Save the Children,

Arsenal ayaa ka caawisay dhawaan caruur ku nool dalka ciraaq dhismaha 14 garoon oo lagu ciyaaro kubadda cagta.

Horaantii sanadkaan, Arsenal kabtankeedii hore, Alex Scott aya booqday laba garoon oo ay kooxdiisa maalgelisey kuwaasoo ku yaala dalka Ciraaq waxaana waqtigaas tababar ku qaadanayay caruur aad u da’yar.

Ambassador-ka Arsenal Martin Keown, ayaa sidoo kale kasoo muuqday kulanka xeryaha qaxootiga ee Urdun sanadkii 2013,waxaana sidookale uu booqday xeryo ay kujiraan caruurta Suuriyaan-ka ah.

Arsenal hogaamiyaheeda, Ivan Gazidis, ayaa yiri: “Waa muhiim in kubada cagta markasta ay ka qeyb qaataan dib u dhiskiisa.

Kulamada Emirates Stadium waxaa lagu saacidi doonaa caruurta ka cararaya dagaalka iyo abaarta ayuu hadalkiisa kudaray Ninka saamiga ku leh Arsenal ee Ivan Gazidis.

“Isticmaalka magaca Arsenal waxa uu dhiiro gelin u yahay kubada cagta ,waxaana markasta lagu taageeri doonaaa horumarka dhalinyarada ayuu yiri,

halyeeyada Arsenal ayaa marti gelin doona kuwa AC Milan maalinta beri ah waxaana lacagta kasoo xaroota lagu dhisi doonaa garoomo ay ku ciyaaran caruurta Soomaaliyeed sida lagu xaqiijiyay warbixinta Arsenal Foundation.