London(AGGM) Shabakada wararka ee Daily Star ayaa maanta shaacisay in Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab page kii ay ku lahayeen Twitter laga xiray,waxaana la sheegay in Page-kaas Shabakada Alshabaab u adeegsan jireen dacaayadaha iyo arrimaha kale oo ay ku soo jitaan dhalinyaradda Soomaalida ah iyo kuwa ajaaniibta ah ee u xiisaha qaba arrimaha falalka argagixisnimo.
Waa markii labaad ee sanadkan Argagixisada Alshabaab laga xiro Bogooda Twitter-ka,waxaana la sheegayaa in Alshabaab ay qoreen warbixino ay rabaan inay ku soo jitaan dhalinyarada caalamka ku sugan ee fikirkooda aaminsan,isla markaasna ka dhadhiciyaan ficiladda ay aaminsan yihiin.
Masuul ka tirsan Alshabaab ayaa sheegay in laga soo horjeedo in warbixinaha dhabta ah ee dalka soomaliya iyo jihaadku ku sugan yahay,waxaana uu eedeyn u jeediyey kooxda leh Page Twitter oo uu ku tilmaamay inay saxafada caburinayaan,waxaana uu sheegay inay dib u sameyn doonaan page cusub.
Waxaana ka mid ahaa Hadaladiisa ” Saaka waxaanu ka war helnay Boogii aanu ku lahayn website twitter oo xiran,waxaana u aragnaa in talabadaasi tahay mid saxafada lagu caburinayo,Mana dhici doonto inaanu joojino arrimaha saxafada ee aanu caalamka u gudbino,waxaanuna dooneynaa inaanu mid cusub abuurno si aanu hawshayadii u sii wadano”.
Ugu dambeyntii Alshabaab waxaa bogooda la xiray sanadkan horaantiisi balse waxaay ku guuleysteen inay dhistaan mid cusub,waxaana arrimahasi looga gol leeyahay in laga hortago inay feker qaloocan ee ay aaminsan yihiin ay ka dhaadhiciyaan dhalinyarada soo kooreysa ee caalamka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com