MAQAAL: Cabdikariin Iyo Carabeey Miyaa Ku Cayaaraya Dadka Reer Galmudug?

0

Dadka Reer Mudug-ga ah waa dad fiiro ama aragti dheer, xataa waxaa lagu xaman jiray qofka soo socda in ay socodkiisa ka gartaan waxa uu soo wado,yacni warka uu wado ama waxa uu wado, balse hadda waxaa moodaa in dadkii noocaas ahaa ay dhamaadeen sababtoo ah haddii ay wax ka hareen Cabdikariin iyo Carabeey meysan horboodeen bulshada sidaa u garashada sareysay ee reer Galmudug.

Waxaa xaqiiqo ah maalinba maalinta ka dambeysa in Cabdikariin iyo Carabeey ay dhulka lasii simayaan Galmudug oo sida muuqata haddii aan laga gaarin ay dhici karto ama sababi karto gabi ahaan in Galmudug ay meesha ka baxdo.

Bulsho weynta reer Galmudug ayaa waxaa moodaa inay isugu jiraan waqtigan xaadirka ah kuwo jah wareersan iyo kuwo waxa noocan ah ee ay horboodayaan Cabdikariin iyo Carabeey ku taageeraya caadif Qabiil, waxaase nimaan garanayo uu oran jiray markuu arko in dadku sidaas noqdaa ama isgu dhex yaacaan (SAADAMBAAD GARANAYSAAN), isagoo ulla jeeda markaad jabtaan ayaad wax fahmi doontaan.

Bulshooy xiligan Galmudug haddal umma ay baahna ee waxa ay u baahan tahay dad bad baadiya oo garasho iyo aqoon saaxiib u ah oo u diirnaxaya Bulshada iyo jiritaanka magaca Galmudug, waa iga su’aalle yaad ka sugeysaan in ay Galmudug bad baadshaan ama horumar gaarsiiyaan? ma Cabdikariin iyo Carabeey? mise cid kale oo dibeeda Galmudug ka timid?, Haddii aad Cabdikariin iyo Carabeey ama Dadyoow kale ka sugeysaan waa calaacal timo kasoo baxday ee u tacsiyeeya shacabka reer Galmudug maadaama maamulkoodi uu burburay, reer Galmudug lagama waayayo dad dhaama Cabdikariin iyo Carabeey waa noo buuxaane dadka dhaafiya labadan majnuun.

Waxaan Bulshada reer Galmudug ugu baaqayaa Caano daatay dabo qabasheey leeyihiin, xiliga ay xilka hayeen Cabdikariin iyo Carabeey bulshadan reer Galmudug waxba umma siyaadin, maalin walba waxbaa ka dhumayay ama ay waayayeen, xiligaasna waxa uu noo ahaa waayo aragnimo iyo inaan dib u xisaabtano, balse waxaa muhiim ah in Cabdikariin iyo Carabeey ay baneeyaan xafiiska aan u dhiibanay inteey dhib ka weyn noo keeni lahaayeen xiligan.

Gabagabadi waxaan baaq u dirayaa Baarlamanka Galmudug, Odayaasha dhaqanka Galmudug iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshoweynta reer Galmudug waxaa la gaaray xiligii ay Cabdikariin iyo Carabeey baneen lahaayeen xilka Galmudug si xilkaas ay u qabtaan dad bad baadsha Shacabka iyo deegaanada reer Galmudug islamarkaana gaarsiiya horumar dhan walba ah, bilaa caleykum kaca oo daba qabta Galmudug nana dhaafiya labadan ruux ee kala geeynaya reer Galmudug.

Dadka reer Galmudug waa ay ka wayn yihiin dad ay ku cayaaraan Cabdikariin iyo Carabeey.

cabdikariin
Cabdikariin Guulleed
carabeey
Maxamed Cabdi Carabeey

Wabilaahi Tawfiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed.
Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg