Wararka naga soo gaaraya saaka magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegayaan in Maamulka Galmudug ayaa bilaabay bixinta Taargooyinka gaadiidka kuwaasi oo laga muuqaal soocay kuwa saxda ah oo ay bixiso DFS.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Taargadan cusub oo ay la timid Galmudug ayaa horey waxaa u isticmaali jiray dhanka dowladihii KMG Somalia gaadiidka gaarka u ah dowlada, waxaana ku dhignaan jiray Xukuumada Halka Galmudug ay u isticmaaleyso gaadiidka shacabka.
Taargooyinkaani ayaa waxaa lagu soo bandhigay xarunta wasaaradda gaadiidka dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo dadka shacabka lagu amray in taarigooyinkaasi ay ku qaatan 10 maalin gudahooda.
Amar kasoo baxay Madaxtooyada iyo Wasaarada gaadiidka Galmudug ayaa waxaa dadka shacabka ah lagu amray inay u hogaansamaan amarka isla markaana qaatan Taarikada.
Galmudug waxa ay sheegtay inaysan aqoonsan doonin Taariko aan aheyn tan cusub ee Galmudug taasi oo aan ka shaqeyn doonin deegaanada Galmudug.
Tallaabadani ay maamulka Galmudug qaaday imaanaysa iyadoo dhowaan maamulka Puntland ay diideen isa socodka gaadiidka shixnadaha ganacsi wada.
Isku soo wada duuboo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug oo la hadlay Warbaahinta aya sheegay in aysan aqbali doonin in Taarko Galmudug aan ahayn lagu dhex arko deegaanadooda.
Hoos ka Dhageyso Codka:-