DHAGEYSO:- Guddiga looga dhawaaqay Magaalada Baladweyne iyo qorshe Maamul gaar ah oo ka socda Magaaladaasi

0

Nabadoon C/llaahi Cabdi oo ka mid ah Nabadoonada gobolka Hiiraan ayaa sheegay in la Magacaabay Guddi ka shaqeynaya dhismaha Maamul u gaar ah shacabka gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shacabka gobolka Hiiraan ay yihiin shacab isku filan oo sameysan kara Maamul u gaar ah sida uu sheegay Nabadoonka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan marnaba ogoleyn in ay tagaan Magaalada Jowhar kana qeyb galaan Shirka ka soconayo Magaaladaasi.

Nabadoon C/llaahi Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in aysan weli heshiis ahayn beelaha dega gobolka Hiiraan isla markaana weligood ay iskhilaafsanaayeen sida uu sheegay.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa weli ka soconayo shirar gaar gaar ah oo loogu soo horjeedo dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee gogoshiisa ay taalla Magaalada Jowhar iyo qaabka ay Dowladda iyo Urur goboleedka IGAD a wax u wadaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-