Dhegeysiga dacwadda Hague ka socota ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeysaa labo mid uun bay noqon: in sida Kenya rabto ay noqoto Oo maxakamaddu laasho kiiska Oo ay soo jeediso in ay bannaanka Ku dhamaystaan ama in ay sida Soomaaliya codsatay yeesho maxakamaddu Oo ay aqbasho dabadeedna go’aan ka gaarto.
Haddaba haddii maxamaddu dacwadda aqbasho Oo go’aan ka gaarto labo mid uun bay noqon:
1.In labada dal mid ka mid ah loo wada xukumo
2.ama in labada dal loo qaybsho
Haddaba haddii ay saas wax u dhacaan, kenya haddii badda loo wada xukumo ama qayb ahaan la siiyo mar kasta faa,iido bay qabtaa Oo dhul aysan lahayn bay heshay. Haddii sida xaqu yahay Soomaaliya loo xukumo, waxba ma lumineyso Oo awalba boob iyo dhac bay waddey.
Haddaba sida aan aragno haddii aanu wax khasaaro ah ka soo gaarayn kenya xukunka maxakamadda (verdict), maxay Kenya kalsooni ugu qabiweyday Maxakamadda Oo ay u dooneysaa in bannaanka lagu Kala boxo?
Jawaabta weyddiintan iyada Oo kooban oo cad Oo aan mugdi jirin waxay tahay: Kenya waxay kalsooni 100% ah Ku qabtaa in ay ciiddaas ka badan yihiin siyaasiinta Soomaalida ah ee diyaarka u ah in ay Kenya kaga beddeshaan shilmaan ama dano kale Oo shikhsi ah sida kuwa saxiixay waraaqda Kenya ay cuskanayso hadda taas (MOU) oo ah Waxa kaliya ee ay Ku doodeyso. Si kale haddii aan u dhigno, kalsoonida 100% ah ee Kenya ay siyaasiinta soomaalida Ku qabto Kuma qabto ICJ Oo sababta Oo ah iyada gacanteeda Kuma jirto maxakamadda caddaalladda adduunka.
Aqoonta iyo waayo-aragnimada Kenya u leedahay siyaasiinta soomalida baa waxay Ku dhalisay Kenya in ay Ku dhiirrato in ay Ku dooddo bannaanka baa annaga noo roon Oo aan dhulkooda kula wereegi karnaa.
Qore: Abdiaziz Saeed