Muqdisho (AGGM):Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ku yeelanaya magaalada Muqdisho fadhigii koowaad ee kalfadhigii sadexaad ayaa lagu wadaa in ay dhaeystaan warbixinno la xiriira xaalada gobollada dalka iyo baahiyaha kala duwan oo ay qabaan dadka ku dhaqan.
Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa uga warami doona xildhibaannada socdaal ay ku tageen mudadii ay fasaxa ku jireen booqashooyin kala duwan ku bixiyay gobollada dalka qaarkood, iyagoo u kuurgalayay xaaladaha ay ku nool yihiin shacabka ku nool deegaannadaas oo ay codkooda ku hadlaan.
Kulanka xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu noqonayaa fadhigoodii kuwaad ee kalfadhiga sadexaad,, iyadoo inta uu kulankan socdo lagu dhageysan doono warbixinno kale oo ay ka mid yihiin heshiisyo dhexmaray baarlamaanka Soomaaliya iyo baarlamaannada dalalka Britain iyo Uganda.
Pro Max’ed Cismaan Jawaari guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale, laga dhageysan doonaa maanta warbixin la xiriirta hishiis baarlamaanka Soomaaliya uu la gallay baarlamaanka dalka Uganda, kadib safar kol hore guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen magaalada Kampala.
Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya waxay fasax ku jireen mudo bil ku siman, iyadoo bishii kale ee fasaxooda ku jiray kulammo aan caadi ahayn oo ay ku meel-mariyeen hidise-sharciyeedyo ay u soo gudbisay xukuumadda Soomaaliya.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya furitaankii kalfadhigii koowaad ee baarlamaanka ka hadlayay ayaa sheegay in xidhibaannada baarlamaanka laga doonayo inay dhexda u xirtaan sidii dalkan lagu gaarsiin lahaa dimuqraadiyad iyo doorasho xor ah.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com