Muqdisho (AGGM): Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa siyaaba kala duwan uga hadlay Shirka Maanta ka furmaya Magaalada Brusseles ee Dalka Biljim.
C/Qaadir Cusmaan oo ka hadlayay fikirkiisa ku aadan Shirkaa ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Shirkaa laakiin waxa uu sheegay in uu jiro wali is bar bar yaac dhanka Maamulada ah.
Waxa uu xusay in Maamulada Goblada ka jira qarkood ay isku awood ka dhigayaan Dowlada Soomaalaiya oo ah Dowlada ay Maamulaada hoos yimaadaan.
Shucayb oo asna ka mid ahaa dadkii fikirkooda dhiibanayay Barnaamij ka baxayay BBC ayaa sheegay in Dowlada soomaaliya ugu baaqayo in ay ka faa,idaysato Fursadan oo ah mid muhiim ah oo soo martay.
Xaliim Xasan Cali ayaa iyana dhinaceeda sheegtay in aan xiligaan loo baahnayn in la is mucarado ee loo baahan yahay in Umadda Soomaaliyeed ay gacmaha is qabsadaan.
Oraahda Shacabka reer Muqdisho ayaa u badnaa mid ay aad ugu soo dhawaynayaan Shirkaa Qodobada ka soo baxi doona waxa ayna xuseen in lagama maarmaan tahay in la taageero Dowlada Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com