WARBIXIN:- 9-Dhalinyaro Soomaali ah oo la Xukumay

0

Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa xukun ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay  in ay doonaayeen in ay ku biiraan kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Xaakimka maxkamada  Michael Davis ayaa xukunka ugu horreeyey ku riday Cabdullaahi Yuusuf oo uu ku xukumay waqtigii uu hore usoo qaatay xabsiga.

Xaakim ayaa magaalada Minneapolis xukun ku riday wiilkaasi oo 20 sano jir ah oo qirtay inuu doonayey inuu ku biiro ururka Daacish.

Cabdullaahi Yuusuf ayaa ah kii ugu horreeyey ee xukunka uu ku dhaco, Xaakimka Michael Davis ayaa ku xukumay waqtigii uu hore xabsiga usoo qaatay oo ku dhow laba sano, iyo 20 sano ah oo uu ku jirayo kormeer joogto ah.

Cabdullaahi Yuusuf ayaa la qabtay bishii May 2014-tii isgaoo ka duulayey garoonka diyaaradsaha ee Mineapolis kuna sii jeeday magaalada Istanbul.

Bishii Feberaayo 2015-kii ayuu qirtay inuu doonayey inuu ku biiro Dacaish.

Xaakimka ayaa la sheegay inuu Cabdullaahi Yuusuf u sheegay inuu fursad siinayo oo uusan waqtigiisa ku lumin doonin xabsiga.

Xukunka labaad ayaa ku dhacay Cabdirisaaq Warsame waxaana lagu xukumay 30 bilood oo xarig ah iyo 20 sano oo ah kormeer joogto ah.

Qofka saddexaad ee la xukumay ayaa ah Zakariye Yuusuf oo isna horey u qirtay  inuu doonaayay in uu ku biiro kooxda Daacish.

Waxaana lagu xukumay 10 sano ka dib markii uu diiday in uu ku marqaati furo dhalinyarada kale , islamarkaana uu la shaqeeyo dowladda.

Sidoo kale Maxkamada ayaa lagu wadaa in ay ku xukun ku rido maanta 6 dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in ay doonaayeen in ay ku biiraan Kooxda Daacish.

Michael Davis oo ah Xaakimka Maxkamada ayaa sheegay in waalidiinta Soomaaliyeed uu ugu baaqay in ay la socdaan caruurta , madaam ay jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku biirtay Daacish.