Wiil Ka Mid Ahaa Soomaalida Heysata Dhalashada Dalka Canada Oo Ku Dhintay Dagaalada Siiriya.

0

ali mohamed dirieToronto (AGGM): Mid kamid ah muwaadiniinta dalka Canada balse asalkiisu yahay Soomaali ayaa lagu dilay dagaalada ka socda dalka Siiriya isagoo ka barbar dagaalamaya mucaaradka Siiriya.

Cali Maxamed Diiriye ayaa hore uga mid ahaa dhalinyaro hore isugu dayday in ay weeraro ka geysato dalka Canada iyadoo loogu magac daray “Toronto 18” sababtoo ah waxa ay ahaayeen 18 dhalinyaro Muslimiin ah.

Sida ay daabaceen wargeysyada ka soo baxa dalka Canada maanta Diiriye ayaa la sii daayay sanadkii 2011kii waxana u uu wareegay dalka Siiriya.

Diiriye ayaa waxa uu kamid yahay tobanaan dhalinyaro Canadian ah oo ku biiray dagaalada ka dhacaya dalka Siiriya halkaa oo inkabadan boqol kun oo ruux ay ku dhinteen.

Ilo dhinaca amniga ah oo ka dhisan dalka Canada ayaa waxa ay ku qiyaaseen in ugu yaraan boqol dhalinyaro reer Canada ah oo badankood ku jira da’ada labaatanka sano kana soo jeeda Ontario iyo Alberta ay u kicitimeen dalka Siiriya sanadkii aynu ka soo gudubnay.

Diiriye ayaa maxkamad ku taal dalka Canada hore ugu heshay dambi ah in uu hub si qarsoodi ah u soo galiyay Toronto.

Geerida Diiriye ayaa waxaa u xaqiijiyay wargeysyada Star iyo CBC arbacadii dowlada Canada. Waxana la sheegay in Diiriye uu ku dhashay dalka Soomaaliya Aug. 10, 1983, waxana uu yimid dalka Canada isagoo toddobo sano jir ah.

Waxaana hore Diiriye loogu xiray dalka Maraykanka sanadkii 2005tii isagoo doonaya inu ka gudbo xadka kala qeybiya dalalka Canada iyo Maraykanka dibna ugu soo laabto dalka Canada isagoo wata labo qori oo rasaas ay ka buuxda. Waxana uu qirtay in uu si sharci darro ah u haystay hub waxaana lagu xukumay labo sano oo xarrig ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com