Jowhar (AGGM): Inta la og-yahay labo ruux ayaa ku dhaawacantay qarax bambaano oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe, kaa oo sida la sheegay lagu bartilmaameedsaday goob ay ku caweynayeen dhalinyarro.
Weerarka ayaa la ogeyn ilaa iyo hadda cida geystay ama ka danbeysay, waxaana la sheegay in ay lagu tuuray goob ay ku caweynayeen dhallinyarada degmada oo inta badan habeenkii ku fiidsada magaalada.
“Xalay fiidkii ayaa waxaa bambaano kuwa gacanta ah lagu weeraray goob ay ku caweynayeen dhallinyaro; waxaana halkaas ku dhaawacmay laba ka mid ah dhallinyaradii goobta ku sugnaa, dhaawacyadooduna waa kuwo fudud,” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa halka uu weerarku ka dhacay oo ka tirsan xaafadda Hanti-wadaag ee degmada Jowhar.
Ma jiro ilaa iyo hadda cid sheegtay mas’uuliyada weerarkaas, hasse ahaatee waxay saraakiisha booliisha degmada ku eedeeyeen Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.
Waxaa baaritaan kadib saakay ka soconaya degmada Jowhar baaritaanno lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay weerarkii xalay iyo xubno ka tirsan Al-shabaab.
Baaritaanka ayaa wuxuu intiisa badan ka socdaa xaafadda Hanti-wadaag oo ahayd halkii uu xalay weerarka bambaano ka dhacay, waxaana tani ay cabsi weyn gelisay dhallinyarada degmadaas ee habeenkii caweeya.
Magaalada Jowhar ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab sannadkii hore, iyadoo tan iyo xilligaas ay ka dhacayeen weerarro, dilal qorsheysan iyo falal ammaan-darro oo ay geysanayaan kooxo hubeysan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com