MAQAAL:- 8 deeda Febraayo: Carwo Suuxineed Kale. W/Q- Prof. Cabdi Faarax

0

Sanooyinkan dambe waxaa si xilliyeysan lo abaabulaa carwooyin lagu soo bandhigayo had jeer badeecoyin dhacay xilligi hore oo lakiin asal cusub kor laga soo mariyey.

Waxaan ula jeedaa warka kore in ayaamaha soo socda naloo soo dhisayo mar kale, saanba hadda qabatinnay, xukuumd saawir ah oo ku salaysan isku beddel (ama dib u aslid) shakhsiyaad lakiin nuxur ahaan la mid ah ama hoos uga sii dhacsan wixii an horay u soo aragnay ee annaan ku soo naaloon.

Sadarrada soo socda waxaan ku soo qaadaya waxyaabo yar yar oo muujinayaa in ujeedada xukuumad dhisida somaliya ay tahay oo kaliya taagid qalfoof maran oo waxyaabo an xalaal ahayn lagu sharciyaysto ee ayna ahayn in wax la qabto;

in ayna ahayn ujeedadu dalkaan dhibaato ka saaridi ee ay tahay sii wadida dhibaatada iyo ka quusin somalida u-sii- fadhi wax soo hagaaga bataatan.

Waxyaabaha soo socda waxaan ku muujinaya in an la arki waayin sababaha dhanka samaanta loogu dhaqaajin la’yahay hawlaha iyo sida an loogu taag waayin lakiin an loo doonayn.

1)- Waxaa 6-7da febraayo madasha doorashada iskaga daba mari doona oo kharash badan lagu bixindoona si daafaha dunida somali loogo mihiyo murashixiin madaxweyne iyo dowlonimo u dhismaysa.

2)-Murashax walbaa wuxuu sheegidoona in u u doonayo xilkan suu dalkaan uga saaro dhibaatada ragaadisey.

Qaarkood waa ku eedaysaneyaal dambiyo culus (sida dood galinta badda), qaar waa dilaayaal lakiin ma jirto cid waabinaysa oo diwaankooda dib u eegeysaa.

3)- Waxaa murashixiintaa mid kasta somali u ballan qaadidoona in u u guntanayo suu dalka uga saari lahaa dhibaatada haysata asago dhawraya dastuurka isla markaana annaga iyo adduunkaba sii ogeysiinaya in u ku shaqayndoono awood an dastuurku siineyn oo ah tan fulinta oo dastuurku si cad u siinayo ra’iisul wasaraha iyo wasiirradiisa. Madaxweynuhu wuxuu barlamaanka,shacbiga iyo dunidaba u sheegaya oo ka hor sheegaya in u dastuurka dhawrayo isla markaa dastuurku awood usan siinayna ku shaqaynayo. Aqristow u fiirso waxyaabaha murashax kasta u barlamaanka ka hortaruurixindoono in u qabanayo, aqrina dastuurka qaybtiisa 8aad.

Murashaxa madaxweynuhu ma marka u shaqadiisa bogto yuu doonaya in u laanta fulinta(xukuumadda) gacan siiyo ? maya, sida horay loo arkay una la shir imaanayo wuxuu rabaa in u tiisa iyo tan qaybta fulintaba isku darsado oo asagu maamulo.

4)- Waxaa la yaab iyo loo qaadanwaaba leh in madasha murashax kastaa ka sheegayo ku talogalkiisa in u la wareego xilkii qaybta fulinta(shaqadii xukuumada) asago jabinaya dasturka in ay tahay barlamaankii ( ama golihii sharci dejinta qaran) oo ay ku dhan yiihiin guddomiyihi iyo wakiilladii qaranku; in goobtaasi tahay golihii sharci dajinta oo ah hay’adii ugu sareeysey ee shacbiga somaliyeed u xilsaartay ilaalinta danihiisa oo idil.

5)- Waxaa la yaab iyo naxdin leh in an cidina madashaa murashixiintaa ku tusaalayn in xilka ay doonayaan iyo hawsha ay sheegayaan in ay qabanayaan ayna ahayn kuwo iswaafaqsan, saa daraadeed ay dib uga joogsadaan damacoodaa.

6)- Somaliyi waxay ka wada baxsan tahay in Laga soo bilaabo xukuumadii Cabdiqasim salaad Xasan awood isku qabqabsi joogta ah oo u dhaxeeyey madaxweyne iyo ra’iisul wasare oo jirey u caqabad ku noqday shaqadii qaran.

Isqabqabsiyadaa waxaa ku lumayey ugu yaraan bar muddo-xukuumeed kasta; Waxay sumeeyeen jawiga siyaasadeed dhammaan; Waxay gabbaad u noqdeen danaha iyo hawlaha si-xun-u-nool kasta.

7)- Ma jiro hal madaxweyne oo kaliya oo an isqabqabsi awgi ugu aryin ugu yaraan 2 ra’ iisulwasare,si an dastuurka waafaqsanayn

8)- Dhibaatada intaa soo jiitamaysey ma aha wax la arki waayey ama xal loo waayey ee waa wax loogu talo galay sii socodka dhibaatada somaliyeed. Sida gadiidka magaalooyinka dunida ee waaweyn nalalka ishaaraduhu u kala wadaan si la mid ah yaa sharcigu u kala wadaa ummad kasta oo dal ku nool. Haddii ishaaraadku shaqayn waayaan gadiidku madaxa yuu isla gali waxaana imaan khasaarooyin xun xun. Dadku waa la mid ama ka daran oo hadduu sharci kala hago waayo (iska daah wax wada qabsi eh ) waa iscuni. Mas’uul kasta waxaa la gudboon in arrintan kore u madaxa mar kasta ku hayo.

9)- Waxaa jirta oo iyana cudur dilaa ah lakiin an la isla soo qaadin xildhibaannada wasiirrada noqonaya ayagoo wali ka sii mid ahaanaya golihii shacbiga.

Yaa wax kontaroloolaya yaase la kontaroolaya? Kii la kontaroolayey yaa wax kontaroolaya!!!!!!.

Qof miyuu wada noqon karaa isku mar kormeere (kontaroole) iyo la kontaroole?

Xildhibaan hadduu wasiir noqdo, waa in u ka tanasulaa xildhibaannimada.
Waxaa loo baahan yahay in dhibaatooyinkii la soo arkay darsi laga soo qaato oo wixii an isqaban karin la saxo, matalan

10)-Waxaa la awoodaa(haddii dan loo arko) in dastuurka loo beddelo si awooda loo wada siiyo madaweynaha; waxaa sido kale la awoodaa in dastuurka loo daayo sida u yahay oo loogu talo galay(sida dad badani qabo) in an awooda cidna gacanta loo wada galin ee ha’adaha dowladu ,ayagoo kala madax bannaan, ay haddana wada shaqeeyaan isna kontaroolaan.

11)- Ayado ay furantahay in laba arrimood oo kore midii la doono lagu dhaqaaqo, waxaan sina macquul u ahayn in la ismoogeysiiyo isqabqabsiga xun ee dhaqanka noqday oo dad isla caqligii isqabqabsiga wata la yiraahdo hawl noo qabta oo horay noo wada. Horay noo wadi maayaan dad saa ku shaqeeyaa ee way nooga dari.

12)- Si an waxba waligood loo kala saarin isqabqabsiguna tiir xoog leh iyo dammmaanad sugan ugu sii ahaado dhibaatada somaliya, waxaa cagta hoosteeda la galiyey dhismihii maxkamado madax bannaan(gaar ahaan midii dastuurka) oo wax kala saara. waxaa jirin ama qaabkii la rabey an loo dhisin ha’adihii madaxa bannaanaa ee cid kasta la xisaabtami lahaa ayagoo an madaxweyne, guddomiye barlamaan iyo ra’iisul wasare midkoodna u tilmaamin shaqada ay qabanayaan iyo cida ay maalinba la xisaabtamayaan midna.

Suurtgal ma aha in la ismogeysiiyo oo la iska dul yuururo qaab isqabqabsiga an 17 sano soo shaqayn . Arrintaa isqabqabsiga iyo dhismaha maxkamadaha oo an la xallin(haba ka horreyaane) cid kasta oo la doorto iyo wax kasta oo la sheegaaba waa khiyaamo lagu dedeyo carwo bandhig calalo duug ah.

Talo waxay nala tahay.

1)- In ka hor doorashada madaxweynaha labadan arrimood midood si sugan loogu dhaqaaqo.

a) In dastuurka ku meel gaarka ah wax laga beddelo oo awooda fulinta lagu wada wareejiyo madaxweynaha.
b) In barlamaanku qaato go’aan madaxweynaha ku xakamaynaya in ku ekaado xilalkiisa dastuuriga ah oo kaliya.

2. In barlamaanku doorashada madaxweyne ka dib, ka shaqo bilaabo dhismaha ciidanka iyo hay’daha madaxa bannaan ee halbowlaha u ah kala soocodsiinta hawlaha, ku dhaqanka sharciga iyo dhawritaanka ammaanada hantida qaranka sida: maxkamadaha, hantidhawrka I.W.M .

F.G. arrinta awood isku qabqabsiga waa hadda waqtiga ugu fiican oo wax laga qaban karaa waayo kursiga madaxweyne hadda waa bannaaan yahay oo ciduna dan u arki mayso xagi u xaglin awoodeed lakiin 8deeda febraayo ka dib qofbaa (ama beelbaa) u arki in asagu (ama ayadu) leeyahay oo ula kac loo horjoogsanayo.

Prof. Cabdi Faarax
Email: soohann123@gmail.com