Aadan Cade Airport Oo Shaqadiisu Mashquul Saa’id Ah Noqotey

0

OLYMPUS DIGITAL CAMERAMuqdisho(AGGM) Airporka Caalamiga ah  Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa ka socda howlo balaaran oo la xiriira horumarinta Airporka, iyadoo Mashquul aad u baahsan laga dareemayo ayna halkaasi ka soo dagayaan muwaadiniin Soomaaliyeed iyo dad ajaanib ah,   halka kuwa kalana ay ka dhoofayaan Airporka,  waxaana ka socda dhismo balaaran oo ay wado Shirkadda Turkiga ee dhawaan lagu wareejiyay Airporka.

Maareeyaha Airporka magaalada Muqdisho  Axmed Ibraahim Iimaan ayaa ka Warbixiyay howlaha balaaran ee ka socda Airporka magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in Airporka ay ka socdaan horumaro  balaaran oo ay ka mid tahay in la qorsheynayo in  Airporka laga dhigo mid caalami ah, iyo in marba marka ka daneysa uu noqonya mid aad u mashquul ah.

Maareeyaha  ayaa waxaa uu sheegay In si wanaagsan ay ku socdaan howlaha Airporka, laakiin waxaa uu tilmaamay  in xoogaa ceeryaamada maanta ka jirta magaalada Muqdisho,  saameyn yar ay ku yeelatay, waxaana uu tibaaxay in ay sii wadayaan horumarinta Airporka.

Shirkadda Turkiga laga leeyahay ee dhawaan la wareegtay Airporka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho,  ayaa dhawaan soo bandhigtay naqshad qurux badan oo loo sameynayo Airporka, iyadoo shirkadaasi ay qorsheyneyso in holwlo badan ay ka qabato oo ku aadan sidii ay ugu dhigi laheyd Airporka mid caalami ah.

Isha Ku Hay Allgalgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com