Muqdisho (AGGM): Xalay Ku dhawaad 10 bam-gacmeed ayaa xalay lagu weeraray meelo
kala duwan oo magaalada Muqdisho ka tirsan gaar ahaan Xarumaha dowladda soomaaliya.
Gooobaha weerarada qaraxyada ah lagu qaaday waxaa ka mid ah Saldhiga degmada Xamarweyne, Saldhiga Sarandi ee agagaarka Iskuul Boolisiya iyo Isgoyska Debka ee magaalada Muqdisho.
Macadda qasaaraha ka dhashay weeraradaasi bambaano oo loo maleynayo inay ka dambeeeyaan Al Shabaab oo horay xeelad dagaal ugu dhawaaqay.
Ciidamada dowladda ayaa qaraxyada kadib sameeyay baaritaano inkastoo aysan dad ku qaban, xaaladda Muqdisho ayaa dagnayd waayahan dambe.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com