Kismaayo(AGGM) Jeneraal Cabdilaahi Shiikh Ismaaciil ” Fartaag ” oo ka mid ah horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa maanta dhaawac laga soo gaarsiiyey madaxa ka dib markii ay muran soo kala dhexgalay isaga iyo Mid ka mid ah Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni oo lagu magacaabo Macalin Maxamed.
Muranka ayaa la sheegay inuu sababay in Jeneraal Fartaag oo ka mid ah adeegayaasha Axmed Madoobe in lagu feero Bistoolad isla markaasna dhawr jeer madaxa looga dhuftey,waxaana la xaqiijinayaa in 9 qodob la tolay madaxa isla markaasna uu hadda ku sugan yahay hoyga nin lagu magacaabo Ducaale oo ka mid ah horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni.
Muranka ayaa la sheegay inuu ka dhashay ka dib markii Jeneraal Fartaag uu Macalin Maxamed kala hadlay dhibaato ay Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo kuwa ONLF ka wadaan xaafado gaar ah oo ku yaala Magaalada Kismaayo sida Guulwade iyo Fanoole oo ay dhibaato ugu geysteen shacab badan isla markaasna la soo xiriirey Jeneraal Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil.
Jeneraal Fartaag ayaa la sheegay inuu arrintaasi kala hadlay Macalin Maxamed taasi oo sababtey in lays af dhaafo isla markaasna Jeneraal Fartaag oo fadhiya Madaxa looga feerey Bistoolad uu watey Macalin Maxamed oo ka mid Horjoogayaasha Raaskambooni ee ku sugan Magaalada Kismaayo isla markaasna u adeega Axmed Madoobe.
Sidoo kale waxaa maleeshiyaadka Raaskambooni hore uga cararay Col Yaasiin Raadeer oo ka mid ahaa Horjoogayaasha Maleeshiyaadkaasi ka dib markii uu naftiisa u baqay isla markaasna hadda ku sugan xero ciidamada Siraliyoon ku leeyihiin gudaha Magaalada Kismaayo ka dib markii uu arkay hab dhaqanka Maleeshiyaadka Raaskambooni balse Jeneraal Fartaag ayaa sameeyey dulqaad iyo Samir badan.
Ugu dambeyntii Jeneraal Fartaag oo caawa aan ku sugneyn Xarunta Madaxtooyada Maleeshiyaadka Raaskambooni Isla Markaasna ku sugan hoyga mid ka mid ah Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa la sheegayaa in Xaaladiisa caafimaad tahay mid wanaagsan inkastoo uu u dulqaad badan yahay Bahdilka iyo dhibaatada lagu hayo naftiisa iyadoo maalmo ka hor uu dharbaaxay afhayeenka Maleeshiyaadka Raaskambooni Cabdinasir Seeraar.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com