Muqdisho(AGGM)Kulankan oo ka dhacay qeyb ka mid ah dhismaha Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa gudiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Baarlamaanka ay u yeereen si ay su’aallo u weeydiiyaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed.
Gudoomiyaha gudiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Baarlamaanka Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh oo kulankii maanta shir gudoomineysay ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ay u yeereen gudigooda si ay su’aallo uga weeydiiyaan howlaha Wasaaradda iyo waxyaabaha qorshayaasha u ah ee ay dooneyso iney ku dhaqaaqdo balse wasiirka uu uga jawaabay dhammaanba waxyaabihii ay weeydiiyeen.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo kulankaasi kadib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulanka maanta uu yimid kadib markii ay gudiga u yeereen islamarkaana ay ka wada hadleen waxyaabo badan oo quseeya howlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.
Kulankan ay Gudiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Baarlamaanka Soomaaliya la qaateen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa qeyb ka ah howlaha loo igmaday gudiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka ayadoo kulankanna ay muujineyso sida ay gudiga arrimaha gudaha ula socdaan howlaha shaqo ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.
[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/10/dhageyso-wasiirka-arimaha-gudaha.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com