Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa Hay’adaha samafalka ee ka Howlgalla Soomaaliya ku eedeeyay in ay hagradeen Galmudug oo aysan ka fulin gar gaarkii loo baahnaa.
Cali Gacal Casir ayaa sheegay in ay jiraan Hay’addo aan xarumo ku laheyn Galmudug mar kastana sheegta in shacabka reer Galmudug ay gurmad u fidiyaan.
Cali Gacal Casir Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa sheegay in looga baahan yahay shacabka in ay fahmaan Hay’adaha qaarkood ee hagar daamada ku wada Degaanada Galmdudug.
Sidoo kale Waxa uu sheegay hadii Hay’adaha wax bixintooda ay run tahay in looga baahan yahay shacabka in ay tusaan wax qabadkooda, sidoo kalena ay damaanad qaadayaan amnigooda.
Warbixinta warkan waxaa Magaalada Gaalkacyo inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada Puntland Maxamed Muxudiin Maxamed (Saxansaxo).
HALKAAN KA DHAGEYSO