Mid kamid ah dhacdooyinka ugu yaabka badan ayaa ka dhacay deegaan u dhaxeeya xadka gobolka Galgaduud uu lawadago dowlad deegaanka Somaalida Itoobiya.
Ugaas Saalax Ugaas Maxamed Rooble ayaa xaqiijiyay in aad ubadan ay kabarakaceen gobolka Galgaduud kadib markii deegaanka ay ku noolaayeen uu soo wajahay xaalad biyo la’aan ah.
Dadkan ayaa maciin biday iney safar dheer u aadaan deegaano dhaca dhanka dowlada deegaanka Soomalida Itoobiya si halkaas ay biyo uga helaan,laakin arinkana ayaa waxaa ka hor istaagay ciidamada looyaqaan Liyuu Booliska,taas ayaana keentay in 11-ruux ay u dhintaan biyo la’aan
Ugaaska ayaa sheegay in ciidamada falkas ku sameeyay ay ahaayeen Soomaali aan naxariis laheyn ayna aad uga xun yihiin in dadkii ay doonayeen iney walaashadaan ay falkaas ugeystaan.
HALKAAN KA DHAGEYSO