Gaalkacyo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in koonfurta magaaladaasi xalay lagu dilay nin ka tirsanaa horjoogayaasha kooxaha burcad badeeda ee ka qaywleystay xeebaha Soomaaliya iyo badaha caalamka.
Warkan ayaa intaasi waxay ku darayaan in ninka la dilay meydkiisa xalay fiidkii lasoo dhigay xaafad ku taal koonfurta magaalada Gaalkacyo,waxaana la tilmaamay iney jirkiisa ka muuqatay rasaas fara badan oo lala dhacay,dadka deegaanka oo ay xiriir la samaysay Warbaahinta ayaa inoo sheegay in ninka la dilay uu ka mid ahaa ragga ugu firfircoon kooxaha burcad badeeda.
Shacabka deegaanka ayaa magaca ninka la dilay ku sheegay Nuur Gaagaab Bulul,uuna kasoo jeeday dhanka Waqooyiga magaalada Gaalkacyo,waxayna inoo sheegeen inuu ka mid ahaa rag sanadkii hore afduub u geystay dad ajaanib ah oo u dhashay Kenya kuwaas oo u shaqaynayey hay’ad lagu magacaabo INC.
Dilka loo geystay ninkan ka tirsanaa burcad badeeda ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in dilkiisu ka danbeeyey kadib markii lagu murmay lacago madax furasho ah oo ay ka qaadan rabaan Maraakiib iyo dad u afduuban,kuwaas oo xiligooda soo dhawaaday,waxaana la tilmaamayaa in rag kale oo burcad badeeda ka tirsan iney khaarajiyeen.
Isku soo wada duuboo Maamulka Galmudug oo ka arimiya koonfurta Gaalkacyo ee laga helay meydka horjoogahan ka tirsanaa burcad badeeda Soomaalida ayaa wax war ah kasoo saarin dhacdadan,lama oga ujeedada rasmiga ah ee ka danbeysay dilka loo geystay ninkan ka qaybta ka ahaa burcad badeeda Soomaalida.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com