Waxaan ogahay dhabna u yaqiinsanahay in carab uu ka dhashay rasuulkeena SCW. Sidoo kale waxaan qirsanahay inay saxaabadu carab ahaayeen. Waxaan rumaysnahay in waajib ay tahay jeceylka suubanaheena SCW, Ahlu baydkiisa iyo saxaabadiisa oo intaba carab ahaa.
Waxaan rumaysnahay in jecelkoodu ku xiranyahay jeceylka Eebe weyne, naceybkuuduna lagu naar mutaysto. Hadana taasu kama dhigno inay waajib tahay in carab qabiil ahaan loo jeclaado ama loo talo dhiibto. In dadki suubaanaa, saxaabadi iyo culumada islaamka intooda badan ay carab yihiin, naga reebi mayso inaan dadkeena u sheegno qaladaadka iyo dhibaataynta joogtada ah ee dowladaha carbeed naga galaan.
Dhibyowgaas oo soo jiitamayay ilaa iyo qarnigii 16aad.
Carabtu waxay ka mid tahay shucuubta ilaahay abuuray ee in xun iyo in sanba leh.
Dad walbana jecelkooda iyo nicidoodu waxay ku xiran tahay sida ay kuula dhaqmaan maalinta aad u baahato ama ay kaa itaal roon yihiin. “Libaax nin galayna og, nin galadayna og” “markaydani ku haysaad dadka kala ogaataa”.
Laga soo bilaabo dagaaladi dhex maray soomaalida iyo xabishada sanadhii Axmed Gurey (15061543) ilaa maanta, carabtu had iyo jeer waxay taageero siisaa hadba cidda la dagaalamayso soomaalida. Dowladaha carbeed ayaa ah kuwa si weyn waqti iyo maalba u galiyo kala qaybinta, kala fogaynta iyo iska horkeenida soomaalida.
Inkastoo siyaasad ahaan aan la hubin, mowqifka dhabta ah ee carabta soomaaliya ka leedahay, hadana waxaad moodaa inay ku heshiyeen in aduunka laga tir tiro qariirada Soomaaliya.
Waxay taarriikhdu qoraysaa intii u socday dagaalki Axmed Gurey, in xabashidu ay madaafiic soo iibsadeen. Maadaama aysan horay u isticmaalin jirin madaafiic, waxaa la waayay cid aqoon u leh uu rido madaafiicda si ay isaga caabiyaan weerada kulul ee kaga imaanayay ciidamada soomaalida. Ugu danbayntii waxay ku guulaysteen inay helaan rag carbeed oo aqoon fiican u lahaa ridida madaafiicda kusoo daanno culus u gaystay ciidamadii Soomaalida.
Waxaan wada ognahay in boqortoyadii Cummaan ee ka talin jirtay bariga Africa ay ahayd middi Talyaaniga ka iibisay xeebaha Soomaaliya iyadoon waxba ka ogaysiin dadki soomaaliyeed ee ay madaxda u ahayd.
Waxa la sheegaa in Soomaalida koonfureed, gaar ahaan dhinaca waamo ay maamulka u dhiibteen dad carbeed oo sheeganayay inay yihiin Asharaaf ku abtirsato Suubanaha SCW. Waa isla Carabtaas kuwa Soomaaliya hoos geeyay boqortooyada Cumaan ka dibna sii iibsaday dalka oo dhan.
Dagaalkii xoraynta loogu doonayay SoomaaliGalbeed ee dhex maray Itoobiya iyo soomaaliya, dowladaha carbeed oo ay ka mid ahaayeen Yemen iyo Liibiya waxay si toos ooga garab dagaalamayeen kuwa Itoobiya, waxayna qayb weyn ka ahaayeen jabkii soo gaaray Soomaalida iyagoo ku andacoonayay inay diifaacayaa shuuciyada.
Intii aan ku jirnay burburkii ay sababeen dagaalada sokeeyo, waxay dowladaha carbeed oo aan kala har lahayn nagu sameeyeen ihaano iyo tacadiyo ay u gaysteen maatideena ka qaxday dagaalada. Ma jirin hal dal oo carab ah oo si sharaf leh u maamuusay qaxooti soomaaliyeed.
Meesha ugu fiican ay na dajiyeen waa Aljaxiim oo Yemen ku taal. Waxaan marqaati ma doonta ah tarxiilka joogatada ah ee sacuudigu kula kaco haweenka iyo caruurta soomaaliyeed. Waxaan wada ognahay in ragga iyo dumarka soomaaliyeed ee xooga leh, inta ay daganaansho siiyaan marki uu xooga ka dhamaado oo ay duqoobaan ay ku amraan inay dalka baxaan. Kuwa ay daganaanshaha siyaan, caruurtooda ma leh wax xaquuq wadaninimo ah. Looma ogala inay dhigtaan iskoolo sare iyo jaamacado toona. Carabtu waa meesha kaliya ee aduunka laga helo ilmo soomaaliyeed oo wadanki uu ku dhashay aabihiina ka shaqaynayo oo aan wax ka baran Karin.
Waxaa tusaale fiican ah Sheekh Maxamed xaaji Yuusuf.
Sheekh Maxamed wuxuu ka mid ahaa culumadii soomaaliyeed ee wax kusoo baratay sacuudiga waqti dheerna galiyay inuu meel mariyo afkaarto uu kala yimid sacuudiga. Sheekh Maxamed wuxuu qaaday dagaal af iyo adin ba ah si uu soomaalida la daalaadhacaysay colaadaha u marsiiyo afkaartiisa oo salka ku haysay boqortooyada Sacuudiga (waa jira wanaag badan oo ka yimid sacuudiga, gaar ahaan culumada).
Waa danbe shekh maxamed Qatar ayaa daganaansho siisay waxaana laga dhigay imaam masaajid. Markii uu gaboobay, xanuun badan ayaa qabtay wuuna tahli waayay inuu sii ahaado imaam.
Dowlada Qatar waxay ku amartay Sheekh Maxamed inuu dalka ka baxo. Waxaa ay xitaa diiday in dhamaan wixii qarash ah ee ku baxo caafimaadkiisa iyo noloshiisa ay bixiyaan dad shacab ah balse ay ogolaado in dalka dhexdiisa lagu daweeyo.
Waxaa la yiri mayd ayaa u danbeeyay, saa lagu jawaabay, kan hadda la sii wado. Imaaraadka oogu danbaysay, waxay ku kacday falkii ugu foosha xumaa ee abid laga galo shacabka soomaaliyeed guumaystihii ka dib. Itoobiya oo aan u aragno cadowga koowaad xataa way ka xishootay in maamul goboleedyada ka jira soomaaliya ay ula macaamisho si madex banaan. Balse Carabtu way sameeyeen, waayo nooma arkaan dad jiro oo mudan ixtiraam iyo karaamayn. Nooma arkaan dad dowlad iyo calan madax banaan leh, balse waxay noo arkaan qabaa’ilo reer guuraa ah oo baahan wax yar oo loo tuurayna ay ku filan yihiin.
Qoraalkaan oogama jeedo inaan abuuro naceyb carbeed balse ujeedku wuxuu yahay inaan fahamno carbata habayn iyo maalinba nalo aqrinayo inaan walaalo nahay, inay yihiin kuwa na caawiyo, iyo inay dadka naga xigaan meesha aan ka joogno. Dugsiyadeena iyo jaamacadaheena waxaa lagu dhigaa inaan carab jeclaano. Caruurteena waxaan barnaa inaan carab nahay, hadana ma jirto wax faaiddo ah oo aan ku qabno inaba ha yaraatee. Dhib mooyee carabi dheef ma leh.
W/Q: Ibrahim Aden Shire
Ishire86@gmail.com