Oktoobareey adaa lahaa!
Sodon sanaba (Afartan iyo far) Qaran baan ahayn calan u saaraaye Waa maxay sawaxankiyo hadba salowga yeeraayo
- Sal ka kaca qabiiliyo maxaa ololka soo saaray
- Soomaali wada ilbixi baan lahaa nacab ha suuxeeyo
- Saldanadiina adkaysta baan lahaa yaan la saabiline
- Sumcadooda Toosaan lahaa way isa saamixiye
- Sareedada Barwaaqada baan lahaa ha u sinaadeene
- Saqiir iyo kabiir baan lahaa way isa saamixiye
- Soomaali sidaan la rabay diiday samihiiye
- Saluugtay oo midnimadii nacday, hoog ma wada saaqay.
Nuux Saciid Naxar
Oktoobareey ahlan Wasahlan.
Oktoobar waa tee waa tumaa Towrada tan barakaysan, Talaabadii ay qaaday, Dadweynaha tiisa daryeeshoo, tabar iyo taagba garabkiinaan taagnahay.. Oktoobar waa daruur hilaacday oo Soomaali u daday..
Oktoobar waa teeniyo. .
Dhamaan erayadaas iyo kuwo kaloo badan waxay ka mid ahaayeen qaybo ka mid ah Suugaanta lagu soo dhawayn jiray Maalinta ku aadan maanta oo kale oo bishu tahay 21ka Oktoobar. Waa maalintii uu curtay Kacaankii Oktoobar ee dalka ka hana qaaday dabayaaqadii1969, ayna talada la wareegeen Ciidanmdii Xooga dalka Soomaaliyeed. Hadaba waxaa Mudnaan mudan in aanu dib u jaleecno Malintaas oo maanta ka soo wareegatay Shan iyo Soson sanadood. oo run ahaantii ah dhacdo aanan marna ka baa ba’ynin taariikhda casriga ah ee Soomaalioda, iyadoo wadatay Wanaag badan iyo dhaliilaba. Hadaba Akhristoow Saraakiishaas Kacaanka dhalisay Darajadooda iyo Magacyadooda waxay kala ahaayeen sidan: iyadoo ay ka nool yihiin in la eg kala bar.
1. Maj. Gen. Maxamed Siyaad Barre (Militeri)*
2. Maj. Gen Jaamac Cali Qorsheel (Boolis)*
3. Brig. Gen. Maxamed Ceynaanshe Guuleed (Militeri)*
4. Brig. General Xuseyn Kulmiye Afrax (Boolis)*
5. Brig. Gen. Salaad Gabeyre Kediye (Militeri)*
6. Brig. Gen. Maxamed Cali Samatar (Militeri)
7. Brig. Gen. Cabdalla Maxamed Faadhil (Militeri)*
8. Col. Cali Mataan Xaashi (Militeri)*
9. Col. Axmed Maxamuud Cadde (Boolis)
10. Col. Maxamuud Mire Muuse (Boolis)
11. Lt. Col. Ismaaciil Cali Abokar (Militeri)
12. Lt. Col. Axmed Suleymaan Cabdalla (Militeri)
13. Lt. Col. Maxamed Sheekh Cusmaan (Boolis)
14. Lt. Col. Maxamed Cali Shire (Militeri)
15. Lt. Col. Maxamuud Geele Yuusuf (Militeri)
16. Lt. Col. Faarax Waceys Duule (Militeri)
17. Lt. Col. Axmed Maxamuud Faarax (Militeri)*
8. Lt. Col. Axmed Xasan Muuse (Militeri))
19. Maj. Cabdirisaaq Maxamed Abuukar (Militeri)*
0. Maj. Bashiir Yusuf Cilmi (Militeri))
21. Maj. Cadulqaadir Xaaji Maxamed (Militeri)*
2. Maj. Maxamed Cumar Jees (Militeri)*
3. Maj. Cusmaan Maxamed Jeele (Militeri)
24. Maj. Muuse Rabiile Good (Militeri)*
25 Maj. Cabdi Warsame Isaaq (Militeri)
Waxaan intaas ugu tala galay in aanu ogaano shaqsiyaadkii lagu sheegi jiray Golahii sare ee kacaanka. Hadaba waxaan iswaydiin leh muxuu Ina taray Kacankaas maxuuse inoo dhimay? Waa suaal aad u weyn oo an is leeyahay hadii loogu tala galo in laga jawaabo ay u baahanayso waqti badan iyo baarid qoto dheer, balse aniga waxaan is ku dayayaa Caawa bal inaan wax ka yara xuso arimaaha intii karaamkayga, Ogaadana Soomaalida waxay ku maah-mahadaa Ilaahow Eexna ha inooga tegin aqoon laaana ha inagu cadaabin. Marka qoraalkaya waxaan masdar ugu dhigaya arinkaas.
Sideedaba Shay waxaa la ogaan karaa nafcigiisa marka uu kaa maqan yahay oo aad u baahato, oo maanta waxaanu ogaanay nafciga ay leedahay Qaranimada iyo Dowlad nimada oo waxaanu lanahay Mudo ka badan Dhowr iyo toban sannodood. Walow maanta la leeyahay wa ala yagleelay, balse aanana fara ka qodnayn.
Waxaan shaki ku jirin in qof kasta oo inaga mid ahi uu maanta dareen san yahay Micnaha Dowlad nimada ay leedahay ee aanu lahaan jirnay in ka badan Afartan sanadood..Hadaba anoonan jeclayn in an u boodo meel kale aan taariikh yar xuso Waxa ka jiray Wadanka Kacaanka ka hor.
Sanadihii 1960-1969 dowladihii jiray waxaa loogu yeeri jiray Dowladaii Rayidka oo loogu jeedo in ay ka marnaayeen Ciidamada, waloow hadana Bulshad aay ugu yeeri jirtay Xiligii MUSUQ MAASUQA, oo waxay ahayeen kuwo ku dhisan in mar walba danaha qabiilka laga hormariyo tan gud ahaned midaasoo sii kala fogaysay xasiloonida iyo mid-nimada ummadda Soomaliyeed., waxaa meesha ka baxay in wax loo qabto Bulshada iyadoo ay noqotay in Maamul xumadii iyo muqus maasuqii dalka ka jiray ay keentay in maalin Cad la dilo Madaxweynihii Soomaaliya C/rashiid Cali Sharma’arke.
Wadanka dhamaantiis waa ay saamaysay maaul xumadaas, maalin kastan xumaanta iyo dhibaatada waa ay sii kordhaysay, taa oo ay dadka ku taamayeen in ay Ciidamada Qalabka sida wax ka qabtaan MUSUQ- MAASUQAAS iyo baa baaas wadanka naafeyey, iyagoo ku taamayey shacabka in mar un ay wadanka ka dhacaan is badel oo ay la wareegaan Ciidmada qalabka sida.. Dowladii Rayidka ahaa dadweynihii waa uu nacay arimaha ay ku eedeeynayeena waxaa ka mid ahaa qaarkood: Himadii iyo rajadii loo qabay oo la waayey dhibaatooyinka Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Bulshadeedba oo sii kordhay, Xaqdaradii oo noqotay wax lagu faano, iyadoo uu nin waliba waxa uu doonayo iyo sidii uu doono wax u maamulo, Sharcigii wadanka lahaa oo u muuqday wax meel la iska dhigay, maslaxadii Guud oo la laabay, loona guntaday tan gaar ahaend..Waxaa la tiriyey Suugaano badan oo ay ka mid ahaayeen:
- Dab iyo dhagax la iskuma dhuftee kala dhowraay
- Dowladnimada Qabiil dhexgashee kala dhowraay
- Waan is dhinac wadnaa kala dhowraay
Cali Sugule
Akhristoow Bulshada Soomaliyeed meel kasta oo uu joogba waa uu soo dhaweeyey Kacaankaas ay hogaaminayeen Ciidamada Qalabka Sida oo uu Hormuudna u ahaa Jenraal Maxmed Siyaad Barre. Waxaa Xaqiiq ah in maamulkas ay Soomaali ka dhaxashy Maamuus iyo Magac maamulkaas Kacaanka ahaa waxa uu goaaminyey in ay xididada u siibayaan cadowyada is biirsaday ee naafeeyey ummadda Soomaliyeed oo ay ka mid ka ahaayeen Gaajada, Cudurka, Jahliga iyo Qabiilka.
Kacaankii Oktoobar ee dalka Hogaaminaye in ku dhow 21 sanadod waxa uu wadanka Soomaliya gaarsiiyey Guulo waaweyn oo la taaban karo iyadoo aysan Cidina dafiri karin Guulahaas, hadaba akhristoow waxaa guulahaas ka mid ahaa ;mashaariicda degdega ahaa ee uu kacanka Markii uu dhashay qabtay waxayka kala ahaayen: Wadada isku xirta magaalooyuinka Beldweyne ilaa iyo Burco, taasoo uu dherekeedu ahaa 1070km., warshada hilibka ee kismaayo oo qorsho loo sameeyey, warshada baakadaha ee Jamaame, Warshada Kaluunka ee Laasqoray, Dekeda Cusub ee Magaalada Muqdisho, Warshada Badarka ee Muqdisho, Degeda Cusub ee Magaalada Ber bera, Garoomada Dayuuradaha ee Caalamiga ha ee Muqdisho, hargaysa, Iyo Kaalgacyo.
Waxaa sidoo kale isla sanadahaas la abuuray ururada Iskaashatooyinka, iyo kuwa Shaqaalaha iyo kuwa dhalinyarada iyo Haeenkaba, Bangiga Horumarinta Soomaliyeeed, Wakaaladii Xooga korontada ummada Soomaliyed, Wakaalda Gaadiidka Ex FIAT, Wakaalda Daawooyinka, Ex SPIMA, Wakalada Batroolka Ummadda Soomaliyeee, Wakaalda Caymiska Soomaliyeed, Mashaariicda Faaanoole iyo Dooxada Jubba qaybihiisii Koowaad, Waxay kaloo Dhistay Kacankaas Warshado badan oo ay ka mid ahaayeen Warshdii Hargaha iyo Saamaha magaalooyinka Hargaysa, Muqdusho, Kismaayo, Warshadii Sifeynta Batroolka , warshadii Shamiintada ee Berbara, Warshadii Sigaarka iyo taraqa ee Xamar, Warshadii Saliida ee Muqdisho, warshdii Labanka iyo qudaarta ee Afgooye, warshadii Birta ee Xamar, warshadii Salabka Ciidamada ee Muqdisho, hargaysa, iyo Gaalkacyo.Degada cusub ee Kismaayo, Boosaaso, iyo kuwo kale, dhisida garoonka Cayaarah ee Muqdisho satdium, dhisidii Iskuulad waxbarshada ee tiro iyo tayaba lahayd.
Waxaa kaloo wax qabadkiisa ka maid ahaa kacankaas:
16-Bacaad celintii Shalanbood
[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/10/Oktobareey-adigaa-lahaa.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com